Sunday 27 November 2016

MACNIHII WADANINIMO WAX II MEERSHA MAAN ARAG!!!!! W/Q: GUURE IYO KAMBALE
Dhamaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay Allah (SWT) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo an xisaab lahayn iyo Rasuulkiisii suubanaa Muxamed (CSW). Intaa kadib waxaan salaamaynaa guud ahaan muslimiinta gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.
Asallamu calaykum Waraxmatullaahi wabarakaatuhu.
Waxaan  halkaan idiin ku soo gudbin doonaa qormo ka hadli doonta wadaniyada anagoo kala ah labada Qoraa ee Qoraa Cabdiraxmaan Maxamed Warsame( Guure) iyo Qoraa Cabdiqaadir Ibraahim Axmed (Kambale) eeka bogasho wacan.
waa maxay wadaninimo?
1-Wadaninimo waa dareen ku abuuran dadka oo muujinaya daacad u ahaanshaha dalkooda iyo sidoo kale in ay ku faraxsanyihiin kuna qanacsanyihiin dhulkooda waliba aaminsanyihiin in uu ka fiican yahay kana muhiimsan yahay dhulalka  kale ama dalalka  kale.
2- Wadaninimo waa rabitaanka dad wadaaga dhaqan, taariikh ama luuqad ay ku doonayaa in ay suurta galiyaan qaran go’an oo madax banaan oo ay iyagu leeyihiin.
Soo if baxa  wadaniyadu waa wax fac hore ku xusan, lahaanshada callan, astaan qaran  iyo qaarad ku tusaysa xadi dhul ee aad leedahay  ayaa aasaas u ah  abuurka  dareenka wadaninimo, si loo ilaasho jiritaanka dhamaan waxyaabaha aan soo xusnay waa in la helaa dareenkan waliba aad u xoogan.
Waa side heerka wadaninimo ee dhalinta soomaaliyeed?
 Dadka soomaliyeed in ka badan 70 %  waxay ka yar yihiin 30 sano (UNDP) tan ayaa ku tusaysa doorka dhalinta soomaliyeed in uu yahy mid wayn oo saamayn ku yeelan kara jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed, dhib ka jira ayaa ah in inta badan dhalintu ay dhasheen inta lagu guda jiray mugdigii waayaha Soomaaliyeed oo ah xilligii ka danbeeyey burburkii qaranka soomaaliyeed, tan ayaa suurta gal ka dhigaysa in aysan dhalintu helin fursad ay ku dareemaan qiimaha qaran iyo wadaninimo maadaama aysan lajaan qaadin qaran dhisan.  soo ifbaxa ficilada foosha xun oo ay qabyaaladu kow ka tahay ayaa iyaguna si wayn u kaalmaynaya in dhalintu aysan fursad u helin iy ay dareemaan dareenka quruxda badan ee wadaninimo iyada oo mid kasta fikirkiisa lagu koobay reer iyo qabiil. U boqoolida dalalka shisheeye ayaa hagardaamo wayn  ku ah dareenkan.
Miyuu jiraa qorshe kor u qaadis heerka dareenka wadaninimo ee dhalin yarada?
Goobaha sida aadka u saacidi kara kor u qaadista heerka wadaninimo ee dhalinyarada ayaa ah goobaha waxbarashada, laakiin nasiib daro 42% caruurta soomaaliyeed ayaa aada iskuulka taas ayaa muujinaysa in ay jiraan caruurbadan oo aan helin fursad waxbarasho, taas macnaheedu waa ma haystaan fursad ay ku dareemaan wadaninimo iyadoo manhajka waxbarasho laftiisu uusan taakulaynin barista wadaniyada ee ardayga hadana barashada qorista iyo akhriska ayaa sabab u noqon kara fahanka qormooyin hore ama kuwa cusub oo ka hadlaya wadaniyada mana jirto cid masuuliyad wayn iska saarta suurta galinta arintraan. Abwaanada ayaan ku tilmaami karnaa in ay door wayn ka ciyaaraan dareensiinta bulshada ee dareenka wadaninimo iyaga oo suugaantooda ku cabiraya qiimaha dhulka, callanka iyo lahaanshaha astaanta qurxoon ee qaranka.
Manhajka waxbarshada iyo kobcinta wadaninimada.
Manaahijta wax barasho ee dalka ayaan gabi ahaan taakulo toos ah ku lahayn kobcinta wadaniyada dhalinta, inta badan ma jirto casharo si toos ah loo siiyo da’yarta soomaaliyeed si ay fursad ugu noqoto in ay yeeshaan dareen wadaninimo, taas badalkeeda waxaa in  badan la baraa tariikhda iyo cilmiga juquraafiga ee dhulal kale, tan ayaa wax badan saacidin karta dabar go’a dareenka wadaninimo ee da’yarta oo an awalba cago badan ku taagnmaynm.
Halku-dhiga  qoraalka
Gayigayga hooyow
Qof kastoo ka gaabiya
Geedi socodka calakiyo
Gurmadkiyo socdaalkyio
Quruxdeeda gobanimo
Wuu garwaaqsan doona
W/C: Abwaan C/qaadir Xuseen
Gabogabo
Guntii iyo gabogabadii waxaa cad in ay habacsanaan wayn ka muuqato abuurka dareenka wadaninimo waliba dhalinta ayaan fursad wayn u helin hilimo ay ka daalacdaan arintan, dawlada ayaan xoog saarin in ay dhalinta garaadkooda ku kobciso wadaninimada, abwaanada ayaa aad u halgamaya si ay u buuxiyaan booskaan in lagu dhiiri galiyo ayaa iyaduna aad u haboon. Waxaan si toos ah ugu baaqaynaa in la dardar galiyo abuurka dareenka wadaninimo lana kobciyo garaadka dhalinta eek u aadan qiimada dalka, callanka iyo astaanta qaran.waxaan sidoo kale magaca uga mahadcelinayaa kooxda qaylodhaan.
Wabilaahi towfiiq
W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Guure) iyo Cabdiqaadir Ibraahim Axmed (Kambale)

                Emails:abdelrahmangure@gmail.com///geeljire1900@gmail.com

No comments:

Post a Comment