ASAL
GUURKA AFKA HOOYO IYO HABACSANAANTA U HIILINTIISA!!!!
Waxaan
halkan idiin kuso gudbin doona maqaal an xooga ku saarayo ififaale asal guur
luuqadeed oo ku socda afka hooyo iyo dib u dhac iyo habacsanaan ka
muuqata in la muquuniyo ama la hor istaago asal guurka afka soomaaliga.
Arintan ayan u arkay in ay lagama maarmaan u tahay in wax laga qoro
lagana hadlo.
Miyuu jiraa asal guur
afeed?
Sida laga
dheehanayo hab dhaqanka bulsho waynta soomaaliyeed ee xiligan waxa dhab ah in
la dareemayo dabar go’ iyo asal guur si dardar leh ugu soconaysa afka
soomaaliga.
Isticmaalka
luuqadaha qalaad ee nolosha caadiga ah sida qaadashada magacyo qalaad ama ereyo
qalaad kuwaas oo badalay ereyo iyo magacyo soomaaliyeed ayaa muujinaya sansaan
asal guur afeed.
Tusaale waxaa
asal doorsoomay magacyada raga iyo haweenka waliba naynaasaha ayaa hada noqday
kuwo gabi ahaanba asal guuray badankood, waxay dhagahaagu maqlayan qof
loogu wacayo macag ama naynaas qalaad, laakiin waxaa cajiib ah sida uu qofkaasi
ugu riyaaqsan yahay.
Magacyada
goobaha ganacsiga iyo ereyada nolosha quseeya ayaa ah kuwa ka turjumaya sida
xaalku yahay. Casharada dugsiyada ayaa badankood ku baxa luuqado qalaad taas oo
kaabid iyo caawin xoog leh u noqonaysa dabargo’a luuqadeed, hadii ad dib
u milicsano muqararka wax barasho ee dugsiyada sare oo muujinaya in ardaygu
helo 2 xiisaadood oo afka-soomaaliga lagu baro iyo 5 xiisadood oo afka
ingiriiska lagu baro ayaa sawir guud kaa siinaysa sida ay suurta gal u tahay
asal guurka afeed ee goobaha waxbarashada.
Deegaanada
iyo magaalooyinka ayaa ah mid sawir ka bixin karta sida ay bulshadu ugu xiran
tahay luuqadeeda, barisamaadkii deegaanada la magaaleeyey dhamaan waxa laga
dheehanayaa sida afka-soomaaligu uu u ahaa muhiim magac bixinta,
magaalooyinkii hore waxaa ka mid ahaa Ceerigaabo, Kalabayr,Burtinle,Laascaanood
IWM, laakiin deegaanada hada la magaaleeyey ayaa kuu muujinaya in ay jirto
sansaan asal guur luuqadeed, waxaa lagu magac dhabaa magaalooyinka cusub
magacyo luuqado qalaad sida Daarasalaam, Faluuja IWM.
Ma jiraa dhaqdhaqaaq lagu
hor-istaagayo asal-guurka afka hooyo?
Waxaa jira
dhaqdhaqaaqyo badan oo looga hortagayo arintan, laakiin hadana saamayntu ay
kooban tahay, koobnaan ta saamaynta dhaqdhaqaaqyadan aya loo aanayn kara
sababo badan. sida ololihii soo noolaynta afka hooyo ee sanadkan ka
bilowdo muqdisho, wuxuu ahaa olole wax badan ka katari karay hor istaagida asal
guurka afka iyada oo dadka lagu war galinayey in ay goobahooda ganacsiga ku
qoraan magacyo soomaali ah, hadana marka loo eego gayiga afka soomaaliga looga
hadlo oo balaaran saamaynta ololahaan ayaan wax badan hor istaagi Karin.
Abwaanada,Qoraayada,Warbaahinta
iyo dhalinyara ayaa si wayn ugu istaagay u hiilinta afka iyaga oo dhaqdhaqaaqyo
badan oo kala duwan sameeyey si loo hor istaago aafada asal guurka afka.
Abwaano
badan ayaa curiyey suugaan ay ku cabirayaan qiimaha afka iyo muhiimadiisa si ay
bulshada ugu cadeeyan in uu afku yahay hanti la hubo.
Abwaan Xasan
C/laahi Ganey ayaa ka mid ah abwaanada maansooyinkooda ku cabiray sida ay ula
dhacsanyihiin afkooda ayna u ilaashanayaan wuxuuna yiri:-
-habeen iyo
nin liita
-dhaqankiisa
hiifee
-afka inaan
ka haajiro
-waan iskala
hanwaynahay.
Abwaanad
Hodan shiikh Cumar ayaa iyaduna maansadeeda ku baraarujisay bulshada in ay iska
jiraan afafka qalaad, waxaana ka mid ahaa maansadeedii:-
-ereygii
qalaad inaga jira, waa ibtilo jaane.
-oo aruursha
suugaanta iyo, arar afeedka.
-isirkeena
weeyan afkani, Ab iyo Oodeene.
-allahayow
adigaa noo gartaye, ereyga noo xooji.
Abwaan
Bashiir Cabdiraxmaan Diiriye (Quule ) ayaa isaguna tixdiisa ku yiri isaga oo
dhiiri galinaya in bulshadu ilaashato luuqadeeda:-
-Murtida
luuqadeena hooyo
-waxa
magaceeda gaabshay
-Kuwii
maarayn lahaaye
-Hadaan
markan loo istaagin.
-Macnuhu waa
dhumahayaaye.
-Muhiimada
haatan Saara.
-Macaansada
luuqadiina.
Qorayaasha
ayaa iyaguna kaalin wayn ka qaatay noolaynta afka waayo waxay suurta galiyeen
qoraalo iyo buug kuwaas oo wax badan ka suurta galin kara hor istaagida asal
guurka afka hooyo.
Warbaahinta
ayaa iyaduna si wayn uga qaybqaadatay noolaynta afka, idaacahada ayaa
suurto galiyey barnaamijyo u gaar ah afka, suugaanta iyo dhaqanka.
Dhalinta
ayaa iyaguna hardan wayn u galay hor istaagida asal guurka afka, qabashada
bandhigyo suugaaned iyo buugeed ayaa suurta galin kara inu wax wayn ka caawiyo dhaqdhaqaaqyada
hor istaaga asal guurka luuqada.
Halku-dhiga qoraalka
–Afka waw
halgamaya
-Haduu eray
kasoo haro
-Isagaan
huwanayaa
W/C:
Abwaan Xasan C/laahi Ganey
Guntii iyo
gabo gabadii waxaa xaqiiq ah inuu jiro asal guur afeed oo si dardar leh u socda,
laakiin waxa aan la iska indho saabi Karin in sidoo kale ay jiraan
dhaqdhaqaaqyo badan oo lagu hor joogsanayo asal guurka luuqada, waxaa muhiim ah
in bulshadu ay ka qayb qaadato noolaynta afka waana waxa ugu muhiimsan.
Wabilaahi towfiiq
Mahadsanidiin
W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed
Warsame (Guure)
No comments:
Post a Comment