BILICDA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA MIYAA LAGA QUUSTAY.!!!!!!!! W/Q:GUURE
Maqaalkan
waxaan diirada ku saari doona sida magaalooyinka Soomaaliya ay ugu baahan
yihiin qorshe bilic dhowr iyo qashin tuur wanagsan oo deegaanadaas ka caawiya
bilicda iyo muuqaalka.
Waa sidee bilicda magaalooyinka
Soomaaliya?
Waxaan daah
saarnayn in bilicda magaalooyinka Soomaaliya ay si wayn u kharibantahay, waxay
indhahaagu qabanayaan afaafka magaalooyinka waaweyn oo qashin tuuran yahay ,
tan ayaa saacidaysa in magaalooyinku ay waayeen bilicdii iyo quruxdii
magaalonimo oo ay istaahilaan in ay yeeshaan. Waxaa fagac iyo yaab ah in marka
aad galaysid afaafka magaalo waawayn oo kasta oo Soomaaliya ku taala aad la kulmaysid wax aad u fool xun
oo runtii xita suurta galin kara in aad sawir fool xun ka qaadatid magaaladii
aad u riyaaqsanayd, tan ayaa u baahan in wax badan laga taxadaro oo wax badan
laga qabto runtii.
Side xal loogu heli karaa dhowridda billicda magaalooyinka?
Abuurida
shirkado qashin tuuris(waste disposal companies) iyo qorshe dagsan oo lagu
dhowrayo bilicda magaalooyinka ayaa ah
xalka ugu cajiibsan oo haddii la helo aan rumaysnahay in wax badan ay iska
badali karaan bilicda magaalooyinka, haddii ay suurta gasho abuurida shirkado
howleedka noocan oo kale ah waxay ahaan doonta fursad dad badan u noqon karta
shaqo abuur xoog leh, ganacsatada ayaan aad ugu dhiiri galinayaa in ay suurta
galiyaan firkadaan ganacsi oo aad u caawin doonta suurta galinta bilic qurxoon
oo ay yeeshan magaalooyinku qaybna ka ahaan doonta shaqo abuurka iyo kor u
qaadida dhaqaalaha dadkeena.
In dadka
lagu baraarujiyo in ay ka qayb qaataan dhowrida bilicda iyo muuqaalka
magaalooyinkooda ayaa saameyn wayn yeelan karta, baraarujintan oo la mariyey
warbaarinta noocyadeeda kala duwan ayaa saacidi karta dhowrida bilicda
magaalooyinka, aan idinla wadaago sheekadan:
‘’Waxaan
xili habeenimo ah dhex soconayey gudaha mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn
Soomaaliya, waxaa dariiqa I hor socday labo dumar ah oo shay aan u maleeyey
jawaan wax ku jiidayey, wax yar haddii aan soconay waxay ugu baaqday mid ka mid
ah gabdhuhu tii kale in ay tuurto jawaanka, hadalka ay adeegsatay ayaa aad iiga
yaabiyey waxay ku tiri: “abaayo halkaan ayaa lagu tuura qashinka”.meesha ay u
tilmaamayso ayaa ah xaafado dhexdood, wallow qashin hore uu yaalay hadana sii
wadida ayaa ah wax fool xun, tan waxa looga hor tagi karaa in dadka lagu
baraarujiyo in ay masuuliyad iska saran dhowrida bililcda magaalooyinkooda.’’
Dowladaha
hoose ayaad mooda in ay kaalintoodii gabeen, ka qaybqaashadada dowladaha hoose
ee dhowrida bilicda magaalooyinka ayaa macno wayn samaynaysa, dadka ayaad mooda
in badankood ay yihiin ilku garaadle taas oo khasbaysa marba haddii dowlidii
hoose ka seexatay in ay iyaguna ka seexdaan.
Is xilqaan la’aanta bulshadeena ayaa aad u caawinaysa arintan, taas oo
haddii ay dawladaha hoose qaban waayan shaqada khasbaysa mid sii xumaysa bilicda magaalooyinka, waaxaha fayo dhowrka
iyo bilicda magaalooyinka ayaa masuuliyad wayn oo aad moodid in ay gabeen ka saaran
tahay dhowrida bilicda magaalooyinka.
Guntii iyo
gabogabadii waxan rumaysnahay haddii la
suurta galiyo dhamaan hal qabsiga aan kor ku soo xusnay in ay suurta gal tahay
in la helo magaalooyin bilicdoodu aad u sarayso oo waliba aad u qurxoon soona
jiita indhaha bulsho waynta.
Wabilaahi towfiiq
Mahadsanidiin
W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Guure)
No comments:
Post a Comment