Sunday 24 June 2018

XAFIISKII HOWLGABKA AHAA.

Dhammaan ammaan oo dhan waxa ay u sugnaatay Allah (SWT) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo aan xisaab lahayn iyo Rasuulkiisii suubbanaa Muxamed (CSW). Intaa kadib waxa aan salaamaynaa guud ahaan muslimiinta, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.
 
Asallaamu calaykum Waraxmatullaahi wabarakaatuhu.
 
Waxa aan halkaan idiin ku soo gudbin doonaa qormo aan ugu magac daray” XAFIISKII HOWLGABKA AHAA”. Waxa aan qormadan ugu talo galay in kaliya aan caddayno in ay jiraan gaabis hawleed, walow haddana aan la dhayalsan Karin hawlkarnimada xafiisyo badan oo aynu leenahay. Waa aan uga mahadnaqayaa iyagana hawlkarnimadaas. Qormadani cid gaar ah kuma wajahna. Aan u niyeysanno canaansi kaliya!.
 
Shaqooyinka dawladdu waa kuwo wax ku ool u ah bulshada. xafiisyaduna waa halka ay shaqooyinkaasi ka socdaan. Haddii xafiiska hawlihiisu gaabis ahaadaan, shaqaduna waa gaabis. Halkaas bulshadu waa ay ka naafoobaysaa.
 
Waxa ay noqotay dhaqan caan ka ah geyigeenna in xarumaha dawladdu aysan u shaqaynin sidii loogu talo galay, laakiin haddana dhacdadani, aan ku soo qaadanayno qormadeenan, waa mid gaar ka ah dhammaan arrimahaas. Waxaa laga yaaba in indhahaagu qabtaan xafiis xiran, ama aad booqato xafiis aan gabi ahaanba shaqaynaynin walow ay illimadu u furan yihiin, iyo nooc ka duwan kuwaas oo ah xafiis ay ka jirto shaqo aan miro dhal ahyn.
 
Qisada aan rabo in aan kula wadaago way ka duwan tahay dhammaan kuwaas. waana mid gaar ah. Waxaa aan safar ka ahay mid ka mid ah magaalooyinkeenna, waxa aanan safar u ahay mid kale oo aad uga fog. Sida caadiga ah marka aad safarka ku jirtid waxa aad la kulmaysaa waxyaalo kala duwan; kuwo qiiro leh,naxdin leh, maad leh, farxadleh, la yaab leh I.W.M.
 
Safarka ayaan guda galnay, waxa aan kusoo baxnay degmo ka mid ah degmooyinka jidka ku yaalla. Waxa aan istaagnay isbaarada degmadaas in cabbaar ah. waxa aan gudaha usoo galnay degmadii. Waxa aan indha indhayn ku bilownay gudaha magaaladaas, aniga iyo asxaab kale oo aan safar wadaag ahayn. Wax indhahayagu hadba meel qabtaan, kolba aan meel is tusnaba, indhahayga ayaa durbadiiba qabtay shay cajiib ah!, waaba boor wayn oo lagu xardhay xafiiska ilaalada deegaanka iyo duur joogta. waa xafiis sida magaciisa ka muuqata leh astaan ilaalo deegaan. waana arrin ay mudan tahay in qof kasta oo garaad u saaxiib ahi uu ku farxo, laakiin arrintu sidaas way ka beddalnayd. Goobtu marka laga yimaado magaca wajahada looga xardhay iyo sifada uu qolku ku astaysan yahay, waa deegaan ay dad gaar ahi dagan yihiin.waxaa isu kaaya qaban wayday shaqada qolkan xafiiska ah iyo magaca uu xanbaarsan yahay. waxa aan diidnay muhiimada ay shaqadiisu deegaanka u leedahay iyo habacsanaantiisa. Waxa aan ka gubanay doorkiisa maqan iyo dayacnaantiisa. markaas ayaan isku raacnay in xafiiskani yahay xafiiskii howlgabka ahaa.
 
Gabagabada qormadan aan ka dhigo dardaaran aan kula dardaarmayo cid kasta oo loo xilsaaro shaqo ummadeed in ay isku daydo in ay sida ugu qiimaha badan u gudato, iyaga oo eegaya bari iyo xisaabta ka danbaysa oo aysan jiri doonin wax cudur daar ah. ka daran taas, waxa aan dhiiri galinayaa in cid kasta oo deegaanka loo xilsaaray ay xil gooni ah iska saarto, waayo maanta guud ahaan caalamku waxa uu la tacaalayaa aafooyinka ka dhasha deegaanka. Soomaaliyana waxa ay qayb ka tahay caalamkaas la il daran saamaynta deegaanka, waxaaba u dheer deegaankeennu waxa uu la kulmay abaaro naafeeyey umana baahna tacadi iyo naafayn kale ee waxa uu u baahan yahay in isaga la daryeelo oo wax loo qabto.
 
Wabilaahi towfiiq
 
Mahadsanidiin
 
W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Guure)
 
Email:abdelrahmangure@gmail.com

Saturday 24 February 2018

AFKA HOOYO HODANSANAA HIILADIISUNA HABACSANAA!

HOR-DHAC GUUD

Afka Soomaaligu waa mid ka mid ah afafka ku bohoobay afafka kushitiga ee dhul hoosaadka bari (Low land east Cushitic), waa mid ka mid ah afafka kushitiga, waxana afka soomaaligu uu beel wadaag la yahay afafka Afrika-Aasiya( Afro-asiatic ).
Waa afka ugu xog kaydiska badan afafka la haybta ah ee kushitiga, waana afka labaad ee dadka ugu badan ay ku hadlaan afafka kushitiga marka laga yimaado afka Oromada.
Afka Soomaaliga waxaa ku hadla dad tiro badan oo ku kala nool wadamada Soomaaliya, Itoobiya, Kiinya iyo Jabuuti. Afka Soomaaligu waa luuqada sharciga ah ee dalka Soomaaliya sida ku xusan dastuurka jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya qodobka 5aad (2012) iyo qodobka 3aad fiqradiisa 2aad ee dastuurkii 1979.
Inkasta oo afka Soomaaliga la qoray 1972 hadana dawladii dalka ka jirtay waxa ay xooga saaraysay in afka Soomaaligu uu ahaado luuqad dalka oo dhan ka wada hir gasha, waxaa la unkay 1973 ololihii BAR ama BARO oo isugu jiray ololihii barashada qorista iyo akhriska ee inta badan ka socday magaalooyinka iyo ololihii hormarinta reer miyiga oo ka socday baadiyaha maadaama dadka soomaalidu intooda badan ay xoolo dhqato yihiin.
Intaas ka dib waxaa socday hor u socod iyo amba-qaad uu samaynayo afka dhawaan qorka ah ee Soomaaliga, waxaana wargayskii kusoo bixi jiray afka talyaaniga ee lagu magacaabi jiray Stella d’Ottobre lagu badalay wargayskii xidigta oktoobar oo noqday wargays kusoo baxa afka Soomaaliga, waxaa suurto gashay in cilmi badan lagu qoro afkan ilaa ugu danbayn la suurto galiyey in luuqada wax lagu baranayo dugsiga hoose ilaa sare ay noqoto Soomaaliga.
Ka dib burburkii dawladii dhexe ee qaranka Soomaaliyeed waxaan xaqiiqdii la iska indho tiri Karin gaabiska ku yimid hormarinta luuqada iyo weerarka afafka kale iyo dhaqdhaqaaqyada bulshada kuwas oo suurta galin kara dabar go’ afka suuban ee soomaaliga.

ASAL GUURKA AFKA( DABAR GO’ AFEED)

Inkasta oo 2013 afka Soomaaligu uu kasoo muuqday luuqadaha uu tarjumo googluhu ee ku taxan degelka (translate.Google.com) hadana waa muhiim in la xuso in uu qayb ka yahay luuqadaha la odorosay in ay asal guuri doonaan 100ka sano ee soo aadan.
Bare afeed oo ka tirsan jaamcada Colombia University ayaa sheegay in 2115 lagu hadli doono 600 oo luuqadood iyada oo tirada afafka hada lagu hadlaa gaarayaan 6,000 oo luuqadood, Dr. John Mcwhorter waxaa uu tan ku sababeeyey waalidiinta oo aan inta badan xooga ku saarin ilmahooda in ay bartaan afkooda hooyo, socdaalka dadka ayaa doorway ka ciyaaraya sida uu ku dooday barahaani.
Haddii aan dib u jaleecno dhibaatooyinkan kor ku xusan waxaa xaqiiq ah in kuwan iyo kuwo kale oo badan uu afka soomaaligu u ban dhigan yahay, haddii aan taxo sababaha aan isleeyahy waxa ay door wayn ka ciyaarayaan asal guurka afka waxaa ka mid ah:
1- Waalidiinta oo aan ilmahooda ku ababinayn barashada afka hooyo.
Haddii an ku raaco Dr John arintan waxaad mooda in afka soomaaliga ay aad u saamaynayso, bulshada soomaaliyeed ayaan xoog badan saarin in ilmuhu afka soomaaliga si buuxda u barto marka laga tago barashada qorista iyo akhrinta afka, bulshooyinka soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ayaa iyaguna door wayn ka ciyaaraya arintaan maadaama inta baddan aysan ilamahooda fursad u helin barasha afka sababo la xiriira deegaanka, waaliidka , bulshada ay ku dhex nool yihiin iyo ilmaha laftiisa.
2- Manhajka wax barashada dalku xoog wayn ma saaro barashada afka soomaaliga.
3- Dadka ku hadla afafka kala duwan ma adkeeyaan afka soomaaliga.
Dadka ku hadla afafka kale sida English carabi ama faransiisku inta badan waxa ay ku adkystaan isticmaalka luuqada casriga ah iyaga oo laabaya isticmaalka afka soomaaliga, haddii isticmaalku yaraadana waxa ay horbood u tahay dabar go’ afeed.
4- Xiriirka dunida.
Dunidu maanta waxa ay usii siqaysaa mid hal magaalo noqon rabta, qofkasta oo baahi u qaba waa in uu fahmaa dunida, waxa uuna ku fahmi karaa isaga oo adeegsanaya mid ka mid ah afafka dadka dunidu astaysteen in ay isku fahmaan taas oo si wayn u bari taaraysa in afaf badani ay meesha ka baxaan.
5- Ereyada afka ku soo biira.
Haddii ereyada afka kusoo biirayaa ay bataan waxa ay booska ka saarayaan kuwo asal ahaa oo uu afkaasi lahaa ogoow waa arin kale oo aad u caawinaysa asal guurka afkaas.
Guntii iyo gabo gabadii waxaan shaki saarnayn in haddii aad si wayn u dhuuxday qormadan afkeenu weecsamay, sidaas awgeed waxaad uga qayb qaadan kartaa adiga oo dhinaca ka istaaga muquuninta asal guurka afka hooyo kana qayb qaata si gaar ah iyo si guudba. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan garaad dheerta soomaaliyeed ee ku hawlan in ay u hiiliyaan afkooda hooyo, dhammaan abwaanada, qorayaasha, tabiyayaasha iyo cid kasta oo hawshan u taagan waxaan leeyahay hawl kama daalooyinow wali waa hogadii. Si gaar ah waxaan ugu mahadcelinayaa Xoosh Jaamac Faarax (Xoosh Docol Curdan) iyo Caasho Axmed Xuseen ( A’isha Geesdiir )
Wabilaahi towfiiq
W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Guure)

Thursday 22 February 2018

|||||Ficilada hagardaamada ku a ah waxbarashada gabdhuhu waxay u baahanyihiin in la suuliyo!!!!!!!!!!

Wali waxaa dhab ah in ay jiraan afkaar lid ku ah waxbarashada gabdhaha.

Bal akhri:
waxaan fadhinaa xarun ganacsi, waxaa madasha wada fadhiya dad badan, maadaama ay qorax u jeed tahay dadku wuxuu ku wada gabaday meel ka daahan qoraxda. waxaa madal wadaag nala noqday hooyo ay dadka badi garanyeen. waxa ay sheeko dheer yeesheen mid ka mid ah hooyooyinkii fadhi wadaaga nala ahaa, is waraysi dheer dabadii hooyooyinku waxay iska waraysteen xaalada waxbarasho ee carruurtooda ilaa heer hoose, malaha waxay ahaayeen hayb wadaag? mooji.
mid ka mid hooyooyinka ayaa waydiisay hooyadii labaad ka warran gabdhiii hebla ahayd? waxa ay ugu warbixisay hebla waxa ay gaadhay dugsi sare Alle mahadii. Hooyadani waxa ay u muuqatay mid ay macno wayn ugu fadhido kuna faraxsan waxbarashada gabadheeda, laakiin waa tan mida isoo jiidatay aniga iyo asxaab kale oo fadhi wadaag nala ahayd, waa jawaabta hooyadii labaad, waxay tiri:" hebla marka hore ogoow xog ogaalnimadii dadkii hore, waxaadna niyada ku haysaa oraahdii ahayd "dad waa kii hore hadalna waa intii uu yiri". Waxa aan is waydiiyey maamadu maxay soo wadaa?  Laakiin fajac ayaa dhacay.
waxa ay tiri: hadal horaa ahaa
**ninkii gabadhiisa geel ka raboow
**iskuulka ka gaar intaysan galin
wuxuu ahaa hadal macno badani ku duugan yahay muujinayana in ay wali jiraan afkaar lid ku ah waxbarashada gabdhaha.
*Waxbarashada gabdhuhu waa aasaaska qoys tayo leh.

||  Cabdiraxmaan Guure LeexLeex

Sunday 18 February 2018

Miyeey soo laaban doonaan?

Akhristayaasha sharrafta badanoow , marka horre waxa aan idin lee yahay Asalaamu calaykum Waraxmatullaahi wabarakaatuhu.

Salaan dabadeed aan kula wadaago nuqulkan aan diirada ku saari doono suurta galnimada dib u noqoshada noolaha hoygiisii ka hayaamay.
Noolaha oo dhan ayaa caan ku ah hadba in uu ka fakado halka uu ka waayo cunto, biyo, iyo badbaado. Mararka qaar ayey noolayaashu socdaalaan, waliba socdaal dheer iyaga oo raadinaya biyo, xilliga abaaraha, laakiin haddii dhulkoodii uu roobsado waxa ay noolayaashu caan ku yihiin in ay dib ugu soo laabtaan halkii ay ka hayaameen. Waa tan aan soomaalideennii hore dhaxalka uga helnay “lama huraan waa cawska jiilaal”. Sidaas oo kale haddii ay nooluhu waayaan wax ay quutaan waxaa khasab ah  in ay  hayaamayaan si ay u raadshaan cunto. xaqiiqda ayaa ah marka dhulkoodii barakoobo in ay dib u laabanayaan.  Arrin kale ayaa u wehelisa noolaha raadinta biyaha iyo baadka, waana badbaadada. Haddii nooluhu uu waayo badbaado waxaa khasab ah in uu ka hayaamayo halkii uu daganaa, uuna u hayaamayo meel uu badbaado/nabad ka helayo isaga oo aan eegayn dookh kale, sida nolosha halka uu u hayaamayo iyo la qabatin keeda.
Noolaha koonkan ku nool Ilaahay ayaa aadanaha ka fadilay, isaga waxaa intaas u dheer dhisida nolosha iyo naashnaashkeeda, oo waxa uu u baahan yahay sad bursi marka loo eego noolaha kale. Kuma koobna baahidiisu biyo,cunto iyo badbaado.  Gabaad, waxbarasho, adeeg, caafimaad,koronto,internet, iyo dhammaan adeegyada aadanuhu nolosha maanta saldiga ka dhigtay halka aysan ka suurta galayn waxa uu u arkayaa in ay ku habboon tahay in laga hayaamo.
Burburkii ka hor waxa dadka soomaaliyeed ku naaloonayeen ayaamo barisamaad ah, oo wanaagooda hel, dal koraya dhinac kasta ayey dhex mushaaxayeen, hayaanku maankoodaba masoo galin, oo ma jirin wax ku khasbi karayey. Mararka qaar ayey kaaga qisoonayaan kuwii muddooyinkaas noolaa, dal hebel ayaan u waxbarasho tagay waanan soo laabtay. Oo muxuu usoo laabtay? waayo ma jirin sabab ka wayn waxbarashadaas oo hayaaminaysay.
Dawladii soomaaliyeed ayaa dhacday, jaahwareer siyaasadeed ayaa bilowday, waji kale ayey lasoo baxday noloshii dalku. Waa waji ku oranaya, haddii aad badbaado rabtid halkan ka carar. Loo qaadan waa ayaa dhacay. Ayaamihiin baraaraha ayaa gabogabo fool xun ku dhammaaday. Marka laga yimaado sadbursigii aadanaha, waxaa la waayey biyo,baad iyo badbaado. Waa inta nooluhu la’aantood aanu noolaan Karin. Dadkii ayaa u qaybsamay kuwo dalka gudihiisa ku barakacay, oo goobo badbaado leh tagay, iyo kuwo dalka ka qaxay oo dibadda magangelyo u raadsaday.
Bulshooyinkan tiro beelka ah ee u qaxay dibadda, kuna baahsan dunida daafeheeda, ee mudada daganaa, ma sida noolayaasha kale ayey la qabatimi doonaan dhulkaas oo halkaas ayey ku abuuri doonaan qoomiyado soomaali asal u leh, mise hadba nabad gelyada isa soo taraysa ee dalka ayey isha ku hayaan oo mar ayey dib usoo ruqaansan doonaan?
Gunaanad: aan ka dhigno gunaanadkeenna socdaalkii Moorgan.
Maroodi Moorgan.
Moorgan, maroodi u dhashay Soomaaliya, colaadaha ayaa barakiciyey. Maarso 2016 ayaa dib cilmi baarayaal u xaqiijiyeen in uu ku laabtay dalkiisii. Kaliya maalin iyo bar ayuu ku qaatay gudaha Soomaaliya. soo laabashadiisa ayaa astaan u ah in uu aaminsan yahay in uu badbaadi doono haddii uu dalkiisii booqasho ku tago. Cilmi baarayaashuna waxa ay sheegeen in tani ay calaamad u tahay in amnigu soo wanaagsanaanayo.warbaahintu waxa ay summad ka dhigtay “Maroodi ayaa Soomaaliya u gudbay oo badbaaday”. Tani waa astaan ku tusaysa in aadunuhu uu sida maroodigaas indhaha ku hayo suurtagalnimada badbaadadiisa haddii uu laabto.
Aan ku soo gabogabeeyo hadalkii Ghandi:
“Waa in aad adigu noqotid isbadalka aad ka rajaynaysid inad ka aragto  aduunka.” —Mahatma Ghandi
Tixraac
  • “hal-qabsi iyo xikmado” Cabdiraxmaan M.warsame
  • New york times(www.nytimes.com)
 Wabilaahi towfiiq
Mahadsanidiin
W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Guure)


Thursday 15 February 2018

Dhaqan dhumay iyo dhalanteed bilowday oo ay dhalintu horboodayso.

Dhamaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay Allaah (SWT) ee nagu manaystayn nimcooyin badan oo aan xisaab lahayn iyo Rasuulkiisii suubanaa Muxamed (CSW). Intaa kadib waxaan salamaynaa guud ahaan Muslimiinta gaar ahaan kuwa Soomaliyeed.
Asallaamu Calaykum waraxmatullahi wabarakaatuhu.
Waxa aan halkaan idiin kusoo gudbin doona Qormo ka hadli doonta dhaqanka Soomaliyeed anagoo kala ah labada Qoraa ee Qoraa Cabdiqaadir Ibraahim Axmed ( Kambale ) iyo Qoraa Cabdiraxmaan Maxamed Warsame ( Guure ) ee ka bogosho wacan.

Waa Maxay dhaqan?.
Dhaqan waa astaamaha iyo aqoonta ay bulsho meel degan ay leeyihiin iyadoo laga eegayo dhinac walba sida Luuqada,diinta,fikirka,cadaadka bulshada,fanka iyo suugaanta. Dhaqanku waa muujiyaha jiritaanka bulsho ay udhamaystiran yihiin wax walba oo ay bulsho meel dagani leedahay sida Luuqad ay ku wada hadlaa ,diin ay wada aaminsanyihiin iyo hab suugaaneed ay wax u wada curiyaan.
Dhaqanku waxaa uu qeexaa is ku xirnaanta iyo midnimada ka dhaxaysaa bulsho walba oo isku dhaqan ah.

Dhaqanka Soomaliyeed.
Dhaqanka soomaliyeed waa dhaqan guun ah oo facwayn waa dhaqan in mudo ah soo jiray laguna tirayo inuu yahay mid kamid ah dhaqamada ugu filka wayn dunida,sidoo kale waa dhaqan inta badan waafaqsan shareecada islaamka.
Dhaqanka soomaliyeed waxaa u kulansaday laamaha laga rabo in dhaqan walba uu lahaado,sida Luuqad,diin,suugaan,fan,cadaad bulsho,hab fikir iwm.
Dhaqanka soomaliyeed waa dhaqan gudbinaya akhlaaq fiican,fikir balaaran,wadaniyad iyo dal jacayl. Sidoo kale dhaqanka soomaliyeed waxaa uu siwayn u ixtiraamaya Diinta islaamka isagoo inta badanba waafaqa oo ay yartahay inuu Ka horyimaado.
Dhaqanka soomaliyeed waxaa uu dhiiri galinyaa in la aamino dhulka hooyo oo aan marnaba laga tagin laguna badalan dhulal shisheeye. Bulsho waliba inta ay dhaqankeed taqaan ayay tariikhdeeda iyo jiritaankeeda taqaan,dhaqanku soomaliyeed waa u taaganaha jiritaankeena ummadnimo iyo na baraha faa,idada dalkeena.
· Asal guurka dhaqan ee ay dhalintu horboodayso
“Ma jirto qaaciido la isku waafaqsanyahay oo ina tusinaysa in dhaqan lagu badaasho dhaqan uu yahay horumar”.
Da,ayarta oo ah cadadka ugu badan ee bulshada soomaliyeed oo qiyaastii lagu qiyaaso 70% ay si dar dar leh uga qayb qaadanaya aasal guur dhaqan oo dhab,hab labiska dhalin yarada,isticmaalka erayo qalaad,hab xiraashada timaha waa kuwa ka mid ah tuusalayaasha ugu fud fud ee ina tusin kara asal gaar ka dhaqan ee ay dhalintu hoor boodayso.
Waa sax in dadyowga dunidu ay kala dheegtaan wixii cilmi iyo horumar ah,waxaase khalad ah in dhaqan dad kale ay leeyihiin in aynu u aamino inuu yahay ilbaxnimo iyo horumar,qofba qof inta uu ka cilmi iyo aragti badan yahay ayaa uu ka hormarsan yahay kana ilbaxsan yahay.
· Doorka Dhaqanka ee Dhalin yarada
Dhalin yaradu waa dhaxayaal sugaayasha berito,dal walba waxaa uu ku dhismaa waayo aragnimda dadka waawayn iyo xooga dhalin yarada, si loo helo dhalin yaro hananka karta hoogaanka dalka waa in dhalin yaradu ay dib u milicsadaan dhaqankooda waayo dhaqanku waa baraha ugu fiican ee tusinaya tariikhda awoowayashood,qiimaha dalkooda iyo waxa ay hido u lahaan jireen.
Waa hubaal qof ka maran dhaqankiisa inuu qaadanayo dhaqan dadyow kale ay leeyihiin,soomalidu waxay ku maahmaahdaa meeshii qof ka baxo qof kale baa soo galo waa muhiim in da,ayartu ay ku baraarugto in meeshii dhaqankeenu ka baxo in uu dhaqan kale soo galayo.
F.G: waxaa ay qormadani si toos ugu socotaa da,ayarta soomaliyeed si ay ugu baraarugaan asalka guurka dhaqan,waxaa kale oo ay qormadi fariin udiraysaa dhamaan da,ayarta soomaliyeed si ay uga waantoobaan asal guurka dhaqan ee ay iyagu hormuudka u yihiin.
Murtida Qormada.
Dhaddig iyo laboodkiinba
Dhallinyarada maantaay
Dhiska dumay ku dheeldheeshee
Dhool meel fog ka hillaacay
Dhaayaha la sii raacdee
Dhacamaha rag kale ootay
Dhaxan kaama celiyaane
Dhogortiin maxaa doorshay?
Xigasho: Afmaal xassan Cilmi
Guntii iyo gabagabadii waxaa kusoo afmeeraynaa qormadan in dhamaan bulsho wayn soomaliyeed yar iyo waynba in loo kaco sidoo loo noolayn lahaa dhaqankeena soo jireenka ah isla markaasna xooga loo saari lahaa in laga hortago in uu dhummo dhaqankeenuu oo uu noqdo mid baylah ah oo aysan cidi lahayn.
Waxaa Wada Qorey:
 Cabdiqaadir Ibrahim Ahmed ( Kambale )
 Cabdiraxmaan Maxamed Warsame ( Guuree ).
Emails: Geeljire1900@gmail.com & abdelrahmangure@gmail.com

BADDEENU IIB MAAHA!

Dhamaan ammaan  oo dhan waxay u sugnaatay Allaah (SWT) ee nagu manaystayn nimcooyin badan oo aan xisaab lahayn iyo Rasuulkiisii suubanaa Muxamed (CSW). Intaa kadib waxaan salamayaa guud ahaan Muslimiinta gaar ahaan kuwa Soomaliyeed.
Asallaamu Calaykum waraxmatullahi wabarakaatuhu.
Waxa aan halkaan idiin kusoo gudbin doonaa Qormo aan ku magac dhabay BADDEENU IIB MAAHA oo aan rabo inan ku cabiro sida aan u diidanahay gorgortan kasta oo badda soomaaliyeed laga galo

Baddeena iyo damaca qaawan ee lagu soo qaaday
Boobka iyo dhaca khayraadka badda soomaaliyeed ayaa noqday mid aan loo aabbo yeelin, taas ayaa hadba sii siqaysa oo manta suurta galisay in lasoo handado hantidii Afrika ugu qaalisanayd oo aan hubo in cid kasta hunguri ka hayo waa badda Soomaaliyeed. Ku dhiiri galinta shacabka iyo barista ardayda khayraadka badda iyo sida looga faa’iidaysto ayaa kaalin mug wayn ka qaadan karta in wax badan laga badalo dareenka ku aadan difaaca badda Soomaaliyeed.

Afgaabsiga  garaad dheerta Soomaaliyeed iyo faragalinta shisheeye
Waxaa xaqiiq ah in haddii uu xaalku sidan ka duwanaan lahaa ay xamaasadiisuna ka badalnaan lahayd. Tusaale haddii arinku ahaan lahaa mid la xiriira maamul goboleed ama qabiil waxaa dhab ah in ay muuqan lahayd xamaasad wayn oo ka taagan deegaana howshaasi ku socoto, laakiin nasiib daro waxaad mooda in ay dhaqan gashay siyaasadii guumaystaha ee ahayd QAYBI OO XUKUN, oo danta laga leeyahay ay tahay in cadaawad la dhex dhigo dadka Soomaaliyeed lana suurta galliyo in damiirki iyo damqashaddii dhexdooda ahayd ay dhimato. Damiirka dhintay iyo damqasha la’aanta shacabkeena ayaa wado halbowle ah u noqon karta faragalin iyo damac kasta oo ka yimaada cadowgeena.

Hambalyeyn
Waan u hambalyeynayaa qareenada Soomaaliyeed oo hor istaagay damaca  qaawan ee dawladaha shisheeye ay ku hayeen badda Soomaaliya, waxaan kale oo u hambalyeynayaa cid kasta oo dareenkooda ku cabiray sida ay u diidan yihiin arinkaan.

Go’aan aan jeclaan lahaa inad igu raacdid.
Waxaan rumaysnahay in dhamaan inta damiirka Soomaalinimo uu ku jiro ay ila fikir yihiin oo aan wadaagno hal go’aan marka laga waramayo arinta badda ee taagan haatan,  waxaan ku dhaadanayaa dhul weynahayga oo aanan cidna marti uga ahayn, mana aqbali doono heshiis lasoo dhoodhoobay oo shakhsiyaad gaar ah ay dano gaar ah ku fushanayaan, fikirkaan waxaa ka siman dhamaan Soomaalida inta dhulkan hubta in uu koodi yahay oo rumaysan in difaaciisa iyo ilaashasadiisu ay dhab ka tahay tusaale: C/qaadir Ibraahim Axmed oo ah dhaqaalayahan Soomaaliyeed ayaa ila wadaagay fikirkiisa ku aadan arintan “ arinkasta oo kala dhantaalaya jiritaanka Soomaaliyeed waa mid aanan aqbalayn oo ay maskaydaydu diidayso”.  Maryama Axmed Yuusuf sharci yaqaanad Soomaaliyeed ayaa iyaduna ila wadaagtay aragtideeda ku aadan arintan “ ku xad gudubka xuduud dal waa khalad ama ha ahaato mid berri ama mid baddeed,’’. Axmed Siciid Maxamed aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa isna ila wadaagay aragtidiisa: ‘’ ma aqbalayo heshiis kasta oo noocan oo kale ah waxaanan u arkaan mid dhamaan ummada Soomaaliyeed ay hal dhinac uga soo wada jeedo.’’

Murtida Qormada.
Badayada ninkii doonin
Ninkii damac usoo qaado
Ninkii doolar lagu siiyo
Doqonkaa ogaysiiya
Inaan cidi I daandaansan
Inaan warankii deelaystay
Inaan haysto daabkayga
Inaan diiday damaciisa
Inaan la iga helin daawo
Nin kastoo isoo doonta
Inaan dacar kharaar siiyo
W/C: Abwaan Bashiir Cabdiraxmaan Quule

Gabogabo
Guntii iyo gabagabadii waxaan kusoo afmeerayaa maqaalkan in qofkasta oo Soomaaliya uu aamino in dhulkan uu yahay dhaxal awoowe bad iyo barriba oo aysan jirin cid looga aamusayo loogana haybaysanayo inay kala googoyso ama gadato waax kamid ah, in aan ka aamusno ayaa ah damiir xumada ugu wayn oo ina soo wajahda. Halka mid aan kuso gunaanadayo ayaa ah Soomaaliyeey Gorgortan maka galnaa jiritaankeena?
Wabilaahi towfiiq
Mahadsanidiin
Waxaa Qorey:
Qoraa: Cabdiraxmaan Maxamed Warsame ( Guure ).

DAMIIRKII TAHRIIBAY

DAMIIRKII TAHRIIBAY

Marka hore aan kugu salaamo salaanta qaaliga ah ee islaamka (Asslaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu) intaas ka dib Waxaa xanuun joogta ah ku haya garaad dheerta  somaaliyeed iyo inta dareemaysa xanuunka tahriibta dhalinta soomaaliyeed ee sanadkasta iyo bil kasta ku halaagsamaya kuna qaraqmaya badaha si ay u tagaan yurub oo loogu warbixiyey in ay halkaas barwaaqo ka buuxdo, laakiin waxaa iyana xanuun dheeraad ah leh oo mudan in inbadan xooga la saaro inta kale ee damiirkii, dadnimadii, soomaalinimadii iyo wadaninimadiiba ay ka duushay oo ku sifoobay damiir laawe.

Maxaan ula jeedaa damiirkii tarhiibay?

Hadba falcelinta bulsho ee shay ama ficil lidi ku ah dhaqankooda,diintooda, afkooda iyo jiritaankooda ayaa lagu cabiri karaa feeyignaanta bulsho ama soo jeedka iyo firfircoonida damiirka bulshadaas.
Haddii aan dib u raacno, ka cabir qaado sida bulshada soomaaliyeed uga falceliyeen arimahan:
  • Qofkasta oo soomaali ah wuxuu ka yeeshay gargaar kiisa koowaad qaramada miidoobay.
  • Baryahaan waxaa baraha bulshada indhodaraandarisay in hargaysa laga furay kaniisad.
  • Waxaa la sheegay mudo ka hor  in magaalada marka laga furay goobo lagu faafiyo shiicada.
  • Waxaa lagu qoray huffingtonpost xog tabin ka hadlaysay “soomaaliya waxay gaday sharafteedii”
  • Dalku guud ahaan wuxuu kaalimaha sare ka gala liiska musuqmaasuqa wadamada caalamka.
  • Waxa ay xuseen hay’adaha qaramada midoobay in afka-soomaaligu uu ka mid yahay luuqadaha dabar go’i doona 100 sano ee soo socda.
  • Qof kasta oo soomaali madax ah wuxuu ka caajisay in uu ku hadlo af-soomaali barax tiran.
Su’aashaydu waa maxaad dareentaa marka aad aragtid kuwan aan xusnay iyo qaar kale oo lamid ah?
BULSHO YABOOH U JOOG AH
Waxaad inta badan aragtaa qof wayn oo soomaaliyeed oo laga warsanayo wartabiyeenada la iska arko ama la iska maqlo oo hadalka ku bilaabaya waxaan hay’adaha waydiisanaynaa gargaar dagdag ah?
Maxaad u malaynaysaa sababta?
Waa marxalad la gaarsiiyey heer uu qofku gaaro ilaa uu garan waayo meel kale oo uu cuskado, waa awoodihii bulshada oo qarsoomay.
Soomaalidu waa dad firfircoon sida cad oo ku wanaagsan shaqada iyo xirfadaha, waxaa cad in dunidu ay manta isku dhaaftay xirfad laakiin waa maxay sababta soomaalida oo sifo ahaan ah dad ku wanaagsan xirfadaha ahna bulsho aad u firfircoon ay wali hagaas u tahay?
Waayo waa bulsho laga indho saabay awoodaheedii oo aan inaba aaminsanayn in ay tahay bulsho leh sifaad toolmoon.
INTIFAACSIGII BULSHADA EE DHULKA , XOOLAHA IYO KALUUMAYSIGA OO HABSAAMAY.
Waxaan leenahay xeeb dheer, waxaan leenahay labo wabi oo waaweyn, waxaan leenahay xoolo tiro beel ah, hadana waxaan nahay bulsho sugta galley sanado badan xaraysnayd oo waliba la isku ihaanaysanayo, waa maxay sababtu?
The guardian ayaa 2016 baahisay xog ay ku xustay “ ma jirto bulsho ku tiirsan caawinaad” markaas waxa ay ka hadlayeen siiriya waxayna sheegeen in aysan macquul ahayn in bulsho ku kaaftoonto caawinaada ay siiyaan hay’adaha caalamiga ahi.
Sidaas awgeed reer siiriya waxa ay xooga  saareen in ay helaan kaabayaal dhaqaale loona hormariyo beeraha si ay u helaan isku filnaansho gudaha ah, aaway damiirkii soomaaliyeed ee xooga saari lahaa beeraha?
Sida ay baahisay VOA 260,000 qof ayaa ku geeriyootay abaartii 2011 ka dhacday soomaaliya, 2017 waxaa sidoo kale ka dhacday soomaaliya abaar adag, sidaas awgeed ma jiraa qorshe ay soomaalidu u leedahay abaaraha laga yaabo in ay yimaadaan iyada oo waliba xaalku sida ka cuslaan karo sababo la xariira is badalka hawada awgeed,mise waxaan sugnaa haydaha caalamiga ah iyaga ayaa ina saacidi doona marka abaartu dhacdee?.

Wabilaahi towfiiq
Mahadsanidiin
W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Guure)

Friday 2 February 2018

TIISA DARYEELAA TU KALE KU DARA!!!

TIISA DARYEELAA TU KALE KU DARA!!!
oogga hore ee subaxa ayuu lasoo hallahay wiilkiisii yaraa ee bukay, aad ayuu u xanuunsanaa, walow ay in badan la tacaaleen, haddana wax kasoo rayn ah wey ka waayeen.
Waxaa la isku warsaday in dhakhtarka heerka sare ah ee baladka agteenna ah jooga in wiilka loo dhigo. waa lasoo safray. Rati wayn oo gurgur ah ayaa loo gureeyey bukaankii, walaalkiis iyo aabbihiis ayaa soo kexeeyey.
Kolkii ay soo galeen baladka ayey indhaha ku dhufteen qubuuraha magaalada oo la xoonsanyahay. Way kusoo leexdeen, salaan iyo nabdaadin dabadeed, waxay ka qayb qaateen aaskii, kolkii lasoo idleeyey, ayey waydiiyeen dadkii, haybta marxuumka?. "Waa ina hebel oo dhakhtarka magaalada ayaa  adeer u ah" ayaa loogu war bixiyey. Aabbihii bukaanka ayaa jalleecay wiilkiisii, kolkaasu yiri "ninka wiilka uu adeerka u yahay badbaadin wayey, aniga wax iiguma yaallee inaga celi meesha, aabbe". Baarrinimadiisa ayaa waxkasta celinaysay oo ma haysan fursad kale oo aan ahyn in uu yiraahdo " Hawraarsan".
Dib ayey isu laabeen, markii ay xaafadda tageen ee la warsaday, waxa soo celiyey, waxa ay ku war bixiyeen "TIISA DARYEELAA TU KALE KU DARA". DARYEELAA TU KALE KU DARA!!!

Monday 15 January 2018


WAR YAA QARAXA MAS’UUL KA AH?
Dhammaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay Allah (SWT) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo an xisaab lahayn iyo Rasuulkiisii suubanaa Muxamed (CSW). Intaa kadib waxaan salaamaynaa guud ahaan muslimiinta gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.
Asallamu calaykum Waraxmatullaahi wabarakaatuhu.
Waxaan  halkaan idiin ku soo gudbin doonaa qormo aan ugu magac daray WAR YAA QARAXA MAS’UUL KA AH?, waxaan rabaa in kaliya aan muujinno in ay imaan karaan su’aalo badan oo ku aadan qaraxyada sida joogtada ah uga dhaca magaala madaxda dalka ee Muqdisho. Qormadani cid gaar ah kuma wajahna!.
Qaraxyada sida joogtada ah uga dhaca magaalada Muqdisho ma mudan yihiin in wax laga barto?
Haddii aanba ku amba qaadno qoraalkeena su’aasha kor ku xusan, waxaa cad in ay muhiim tahay in wax badan laga barto dhacdooyinka nolosha. qaraxyada Muqdisho ka dhacaya waa qayb ka mid ah dhacdooyinka nolosha, dhacdooyinka nolosha ee xaqiiqda ah ee tagay ayaa lagu magacaaba taariikh.Taariikhda barashadadeeda, isku hawlka qoristeedda iyo dhadhansigeeda macnaha qotada dheer ee ku duugan ayaa ah un in wax badan laga ogaado dhacdooyinkii hore u dhacay, si aysan mar labaad u soo laaban haddii ay ahaayeen kuwo khaldan.
Haddii aynu dib u raacno taariikhda qaraxyadii ka dhacay Muqdishu sanadkan waxa aad ka baranaysaa in hawgalada ka socda Muqdisho aysan kaliya ahayn kuwo ku eg kooxo argagixiso ah ama al-shabaab, waxaan daah saarnayn in danaha laga leeyahay daganaansho la’aanta Soomaaliya ay yihiin kuwo tiro beel ah, waxaan hubanti ah in dawladaha jaar ka ah  iyo kuwa caalamka labaduba ay dano gaar ah oo macaash ugu duugan yahay ay ka leeyihiin daganaansho la’aanta Soomaaliya,
Weerarradii Muqdisho ka dhacay sanadkan 2017.
v  Labadii bishii janaayo waxaa ka dhacay qarax is miidaamin ah 3 qof ayaa ku dhimatay.*
v  Isla todobadii bishii janaayo qarax ka dhacay Muqdihso 3 qof ayaa isna ku dhimatay.
v  Labaatan iyo shanti bisha janaayo qarax gaari ayaa ka dhacay Muqdishu waxaa ku dhintay 28 qof.*
v  Febraayo sagaal iyo tobankeedii waxaa Muqdisho ka dhacay qarax ismiidaamin ay ku dhinteen 39 qof.
v  Maarso 13 keedi waxaa bam gaari ku dhintay 13 qof.*
v  Isla bishii maarso 21 waxaa qarax gaari ku dhintay 5 qof.*
v  Bishii abriil afarteedii waxaa isna qarax gaari ku dhintay 3 qof.
v  Abriil markiii ay ahayd 7 waxaa qarax mooto ku dhintay  3 qof.
v  Isla bishii Abriil 9keedi waxaa sidoo kale qarax gaari ku dhintay 15 qof.*
v  May siddeedeedii waxaa qarax ismiidaamin ku dhintay 8 qof.*
v  Isla bishii May 24teedi  waxa sidoo kale qarax ku dhintay 8 qof.*
v  Bishii Lixaad ee Juun 15 keedii waxaa qarax gaari ku dhintay 9 qof.*
v  Isla bishii Lixaad 20keedi waxaa qarax ismiidaamin ah ku dhintay 15 qof.*
v  Gabogabadii bishii Lixaad  22 waxaa qarax gaari ku dhintay 7 qof.*
v  Bilowgii bishii todobaad 2deedi waxaa qarax jidka ah ku dhintay 2 qof.
v  Isla bishii todobaad 30keedii waxaa qarax gaari ku dhintay 6 qof.
v  Afartii bishii Agoosto waxaa qarax gaari ku geeriyooday hal qof.
v  11 bishii Agoosto waxaa qarax ismiidaamin ah ku dhintay hal qof.*
v  Bishii Sebteember tobankeedii waxaa qarax ismiidaamin ah ku geeriyootay lix qof.*
v  Dhamaadkii bishii Sebteember waxaa qarax gaari ku dhimatay 7 qof.
v  Bishii Oktoobar waxaa Muqdisho ka dhacay musiibo qaran 358 dad ka badan ayaa ku dhintay qarax ka dhacay isgoyska soobe.
v  28 bishii oktoobar qarax iyo weerar ka dhacay huteel naaso hablood waxaa ku dhintay dad ka badan  25 qof.*


Haddii aan ku caddayno calaamadda * tirada qaraxyada Al-shabaab ay sheegatay ee  ka dhacay Muqdisho, miyeysan imaneyn su’aal ah inta kale yaa masuul ka ah?, macnuhu waa qaraxyada kale ee ka dhacay Muqdisho yaa mas’uul ka ah oo soo maleegay?.
Haddiiba ay su’aashaasi timaado, miyeysan muhiim ahayn in aan la iska indho saabin ee jawaab cad loo helo, si ay xaqiiq u noqoto riyada dadka intooda badina ku riyoodaan ee ah in mar un ay ku noolaadan Muqdisho oo nabad ah.

Cinwaanka maqaalkan waxaan uga mahadcelinayaa koox faneedka  qaylo dhaan.

Tirxaac
  • Al-jazeera
Wabilaahi towfiiq
Mahadsanidiin
W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Guure)