Sunday 24 June 2018

XAFIISKII HOWLGABKA AHAA.

Dhammaan ammaan oo dhan waxa ay u sugnaatay Allah (SWT) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo aan xisaab lahayn iyo Rasuulkiisii suubbanaa Muxamed (CSW). Intaa kadib waxa aan salaamaynaa guud ahaan muslimiinta, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.
 
Asallaamu calaykum Waraxmatullaahi wabarakaatuhu.
 
Waxa aan halkaan idiin ku soo gudbin doonaa qormo aan ugu magac daray” XAFIISKII HOWLGABKA AHAA”. Waxa aan qormadan ugu talo galay in kaliya aan caddayno in ay jiraan gaabis hawleed, walow haddana aan la dhayalsan Karin hawlkarnimada xafiisyo badan oo aynu leenahay. Waa aan uga mahadnaqayaa iyagana hawlkarnimadaas. Qormadani cid gaar ah kuma wajahna. Aan u niyeysanno canaansi kaliya!.
 
Shaqooyinka dawladdu waa kuwo wax ku ool u ah bulshada. xafiisyaduna waa halka ay shaqooyinkaasi ka socdaan. Haddii xafiiska hawlihiisu gaabis ahaadaan, shaqaduna waa gaabis. Halkaas bulshadu waa ay ka naafoobaysaa.
 
Waxa ay noqotay dhaqan caan ka ah geyigeenna in xarumaha dawladdu aysan u shaqaynin sidii loogu talo galay, laakiin haddana dhacdadani, aan ku soo qaadanayno qormadeenan, waa mid gaar ka ah dhammaan arrimahaas. Waxaa laga yaaba in indhahaagu qabtaan xafiis xiran, ama aad booqato xafiis aan gabi ahaanba shaqaynaynin walow ay illimadu u furan yihiin, iyo nooc ka duwan kuwaas oo ah xafiis ay ka jirto shaqo aan miro dhal ahyn.
 
Qisada aan rabo in aan kula wadaago way ka duwan tahay dhammaan kuwaas. waana mid gaar ah. Waxaa aan safar ka ahay mid ka mid ah magaalooyinkeenna, waxa aanan safar u ahay mid kale oo aad uga fog. Sida caadiga ah marka aad safarka ku jirtid waxa aad la kulmaysaa waxyaalo kala duwan; kuwo qiiro leh,naxdin leh, maad leh, farxadleh, la yaab leh I.W.M.
 
Safarka ayaan guda galnay, waxa aan kusoo baxnay degmo ka mid ah degmooyinka jidka ku yaalla. Waxa aan istaagnay isbaarada degmadaas in cabbaar ah. waxa aan gudaha usoo galnay degmadii. Waxa aan indha indhayn ku bilownay gudaha magaaladaas, aniga iyo asxaab kale oo aan safar wadaag ahayn. Wax indhahayagu hadba meel qabtaan, kolba aan meel is tusnaba, indhahayga ayaa durbadiiba qabtay shay cajiib ah!, waaba boor wayn oo lagu xardhay xafiiska ilaalada deegaanka iyo duur joogta. waa xafiis sida magaciisa ka muuqata leh astaan ilaalo deegaan. waana arrin ay mudan tahay in qof kasta oo garaad u saaxiib ahi uu ku farxo, laakiin arrintu sidaas way ka beddalnayd. Goobtu marka laga yimaado magaca wajahada looga xardhay iyo sifada uu qolku ku astaysan yahay, waa deegaan ay dad gaar ahi dagan yihiin.waxaa isu kaaya qaban wayday shaqada qolkan xafiiska ah iyo magaca uu xanbaarsan yahay. waxa aan diidnay muhiimada ay shaqadiisu deegaanka u leedahay iyo habacsanaantiisa. Waxa aan ka gubanay doorkiisa maqan iyo dayacnaantiisa. markaas ayaan isku raacnay in xafiiskani yahay xafiiskii howlgabka ahaa.
 
Gabagabada qormadan aan ka dhigo dardaaran aan kula dardaarmayo cid kasta oo loo xilsaaro shaqo ummadeed in ay isku daydo in ay sida ugu qiimaha badan u gudato, iyaga oo eegaya bari iyo xisaabta ka danbaysa oo aysan jiri doonin wax cudur daar ah. ka daran taas, waxa aan dhiiri galinayaa in cid kasta oo deegaanka loo xilsaaray ay xil gooni ah iska saarto, waayo maanta guud ahaan caalamku waxa uu la tacaalayaa aafooyinka ka dhasha deegaanka. Soomaaliyana waxa ay qayb ka tahay caalamkaas la il daran saamaynta deegaanka, waxaaba u dheer deegaankeennu waxa uu la kulmay abaaro naafeeyey umana baahna tacadi iyo naafayn kale ee waxa uu u baahan yahay in isaga la daryeelo oo wax loo qabto.
 
Wabilaahi towfiiq
 
Mahadsanidiin
 
W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Guure)
 
Email:abdelrahmangure@gmail.com