Thursday 15 February 2018

BADDEENU IIB MAAHA!

Dhamaan ammaan  oo dhan waxay u sugnaatay Allaah (SWT) ee nagu manaystayn nimcooyin badan oo aan xisaab lahayn iyo Rasuulkiisii suubanaa Muxamed (CSW). Intaa kadib waxaan salamayaa guud ahaan Muslimiinta gaar ahaan kuwa Soomaliyeed.
Asallaamu Calaykum waraxmatullahi wabarakaatuhu.
Waxa aan halkaan idiin kusoo gudbin doonaa Qormo aan ku magac dhabay BADDEENU IIB MAAHA oo aan rabo inan ku cabiro sida aan u diidanahay gorgortan kasta oo badda soomaaliyeed laga galo

Baddeena iyo damaca qaawan ee lagu soo qaaday
Boobka iyo dhaca khayraadka badda soomaaliyeed ayaa noqday mid aan loo aabbo yeelin, taas ayaa hadba sii siqaysa oo manta suurta galisay in lasoo handado hantidii Afrika ugu qaalisanayd oo aan hubo in cid kasta hunguri ka hayo waa badda Soomaaliyeed. Ku dhiiri galinta shacabka iyo barista ardayda khayraadka badda iyo sida looga faa’iidaysto ayaa kaalin mug wayn ka qaadan karta in wax badan laga badalo dareenka ku aadan difaaca badda Soomaaliyeed.

Afgaabsiga  garaad dheerta Soomaaliyeed iyo faragalinta shisheeye
Waxaa xaqiiq ah in haddii uu xaalku sidan ka duwanaan lahaa ay xamaasadiisuna ka badalnaan lahayd. Tusaale haddii arinku ahaan lahaa mid la xiriira maamul goboleed ama qabiil waxaa dhab ah in ay muuqan lahayd xamaasad wayn oo ka taagan deegaana howshaasi ku socoto, laakiin nasiib daro waxaad mooda in ay dhaqan gashay siyaasadii guumaystaha ee ahayd QAYBI OO XUKUN, oo danta laga leeyahay ay tahay in cadaawad la dhex dhigo dadka Soomaaliyeed lana suurta galliyo in damiirki iyo damqashaddii dhexdooda ahayd ay dhimato. Damiirka dhintay iyo damqasha la’aanta shacabkeena ayaa wado halbowle ah u noqon karta faragalin iyo damac kasta oo ka yimaada cadowgeena.

Hambalyeyn
Waan u hambalyeynayaa qareenada Soomaaliyeed oo hor istaagay damaca  qaawan ee dawladaha shisheeye ay ku hayeen badda Soomaaliya, waxaan kale oo u hambalyeynayaa cid kasta oo dareenkooda ku cabiray sida ay u diidan yihiin arinkaan.

Go’aan aan jeclaan lahaa inad igu raacdid.
Waxaan rumaysnahay in dhamaan inta damiirka Soomaalinimo uu ku jiro ay ila fikir yihiin oo aan wadaagno hal go’aan marka laga waramayo arinta badda ee taagan haatan,  waxaan ku dhaadanayaa dhul weynahayga oo aanan cidna marti uga ahayn, mana aqbali doono heshiis lasoo dhoodhoobay oo shakhsiyaad gaar ah ay dano gaar ah ku fushanayaan, fikirkaan waxaa ka siman dhamaan Soomaalida inta dhulkan hubta in uu koodi yahay oo rumaysan in difaaciisa iyo ilaashasadiisu ay dhab ka tahay tusaale: C/qaadir Ibraahim Axmed oo ah dhaqaalayahan Soomaaliyeed ayaa ila wadaagay fikirkiisa ku aadan arintan “ arinkasta oo kala dhantaalaya jiritaanka Soomaaliyeed waa mid aanan aqbalayn oo ay maskaydaydu diidayso”.  Maryama Axmed Yuusuf sharci yaqaanad Soomaaliyeed ayaa iyaduna ila wadaagtay aragtideeda ku aadan arintan “ ku xad gudubka xuduud dal waa khalad ama ha ahaato mid berri ama mid baddeed,’’. Axmed Siciid Maxamed aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa isna ila wadaagay aragtidiisa: ‘’ ma aqbalayo heshiis kasta oo noocan oo kale ah waxaanan u arkaan mid dhamaan ummada Soomaaliyeed ay hal dhinac uga soo wada jeedo.’’

Murtida Qormada.
Badayada ninkii doonin
Ninkii damac usoo qaado
Ninkii doolar lagu siiyo
Doqonkaa ogaysiiya
Inaan cidi I daandaansan
Inaan warankii deelaystay
Inaan haysto daabkayga
Inaan diiday damaciisa
Inaan la iga helin daawo
Nin kastoo isoo doonta
Inaan dacar kharaar siiyo
W/C: Abwaan Bashiir Cabdiraxmaan Quule

Gabogabo
Guntii iyo gabagabadii waxaan kusoo afmeerayaa maqaalkan in qofkasta oo Soomaaliya uu aamino in dhulkan uu yahay dhaxal awoowe bad iyo barriba oo aysan jirin cid looga aamusayo loogana haybaysanayo inay kala googoyso ama gadato waax kamid ah, in aan ka aamusno ayaa ah damiir xumada ugu wayn oo ina soo wajahda. Halka mid aan kuso gunaanadayo ayaa ah Soomaaliyeey Gorgortan maka galnaa jiritaankeena?
Wabilaahi towfiiq
Mahadsanidiin
Waxaa Qorey:
Qoraa: Cabdiraxmaan Maxamed Warsame ( Guure ).

1 comment:

  1. Mansha allah waxaan aad ugu mahadcelinayaa qoraa cabdiraxmaan maxamed warsame guure iyo abwaan #Bashiir cabdiraxmaan Quule oo runtii halkaan ku dhameeyey mowqifkeena ku aadan muqadasnimida guud ahaan soohdimaha dalkeena somalia badd iyo biri ba iyo damaaciga qaawan ee qar iska tuurnimadaa ee lagu wado
    Waxaana dareenkeena saxdaa tix iyo tiraaba ku cabiray qoraaga iyo abwaanka sido kale hambalyada iyo talo soo jeedintoodu waa mid muhiim u ah shacabka somaliyeed iyo madaxneeda sharafleh guul iyo gobonimo

    ReplyDelete